Wasiirka arrimaha gudaha DFS oo gaaray magaalada Jowhar

December 28, 2015 - Written by Editor

????????????????????????????????????

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha DFS Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa gaaray maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo lagu wado in uu ka furmo shir Maamul loogu sameynayo gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Diyaarad kuwa Qumaatiga u kac oo ay leeyihiin UN-ka ayaa wafdiga wasiirka waxaa ay ku dajisay garoonka diyaaradaha Jowhar, waxaana soo dhoweeyay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada iyo dadweyne kale .

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha DFS Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa waxaa ay kormeeri doonaan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaana ka socda magaalada Jowhar diyaar garow ku aadan marti gelinta shirka Maamul usameynta gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe .

no images were found

Waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe waxaana ciidamo badan la dhigay wadooyinka magaalada Jowhar.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online