Wasiirka Caafimaadka DFS iyo Wasiirka Caafimaad Puntland oo booqday dhaawacyadii Gaalkacyo ee la geeyey Muqdisho.[Cod/Masawiro]

December 11, 2015 - Written by Editor

IMG_6957Muqdisho:-Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka Soomaaliya Xaawo Xassan Maxamed iyo Wasriika Caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cawke oo galabta Dec-11-2015 markale booqday Cusbitalka Digfeer isla markaasina xog-waraystay Agaasimaha Guud ee Cusbitalka iyo Dhakhtarka Qalliinka ayaa si wada jir ah uga warbixiyey hadallo maalman lagu buun buuninayey baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Hadalladaas oo ahaa in dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii Gaalkacyo ee u dhexeeyey labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug dhinac kamid ah dhaawacyadoodii dibadda loo qaaday halka dhinici kalena aan dhaawacyadoodii waxba laga qaban.

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Subaxnimadii hore ee saaka booqday dhaawacyada jiifa cusbitaalka ayaa ku guuleystey inuu wasiirka caafimaadka Dawladda Federaalka horgeeyo Maamulka Cusbitalka iyo dhakhaatiirta ka hawl gala oo lagu eedeeyey inaanay u hagar bixin bukaanada jiifa cusbitalka.

Ka dib kulan dheer oo is xog waraysi ah oo dhexmaray labada wasiir iyo maamulka Cusbitaalka ayaa maamulka iyo dhakhaatiirtuba kubeeniyeen inaan hadalladaasi waxba kajirin isla mar ahaantaana waxay uga warbixiyeen labada wasiir xaaladda dhabta ah ee bukaanada jiifa cusbitaalka.

Is xog waraysi badan kadib labada ayaa shir jaraa’id oo ay warfidiyeenka siwada jir ah ugu qabteen waxay ku caddeeyeen in xaaladda guud ee dhaawacyadu ay tahay mid wanaagsan isla markaasina ay hawl wadeenada cusbataalku u heelanyihiin habeen iyo maalinba sidii loo dabiibi lahaa bukaanada jiifa cusbitaalka.

no images were found

Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa meesha ka saaray hadalka oranayaa dhaawacyadii gaalkacyo ayaa lakala faquuqay waxaana uu intaasi raaciyey labadii dhinac ee iska soo horjeedey markii hore inay hadda meel wada jiifaan oo meel wax kuwada cunayaan.

Hoos ka dhagayso shirka jaraa’id ee Wasriika Caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cawke

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Codka-Waziirka-Caafimaadka-Puntland-1.mp3]

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa geesta sheegtay inay dadka soomaalida ahi isku mid yihiin isla markaasina aanay waxba kajirin haddalan la buun-buuninayo oo tilmaamaya kala faquuq lagu sameeyey dhaawac yadii Gaalkacyo, iyadoona ugu baaqday dadka hadalladaasi faafinaya in ay ka waantoobaan waxyaabaha kala fogeynaya ummadda soomaaliyeed.

Hoos ka dhagayso shirka jaraa’id ee Wasriika Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Xaawo Hassan

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Codka-Waziirka-Caafimaadka-Soomaaliya.mp3]

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online