Xarunta Xasaradaha! ( Gaalkacyo) W\Q: Macalin Mukhtaar Sh.Cabdiraxmaan

December 9, 2015 - Written by Editor

maqaalDiinteenna siday noo sheegtay, naftii ugu horeeysay ee si xaq darro ah loo dilo waxa ay aheyd naftii Haabiil, waxaa dilay Walaalkii Qaabiil,kaddib markii ay is qoonsadeen,ilaa Qiyaami saaca,nafkasta oo gardarro wax ku disho,danbigeeda wax buu ku leeyahay Qaabiil.Anigu ma fahmin meesha ay ka xidideen,Qaabiil iyo dadka Somaalida,waa marka ay timaaddo in naf aan waxba galabsan la iska dilo.

Dagaalku waa Hadiyad Ilaahay si gaar ah ugu deeqay ummadda Somaalida,waxa uuna noqday meherad layska Hidda raacay,laga soo bilaabo abuuristii qoyskii Soomaalidu ka soo farcantay,ha ahaado,dagaal sokeeye,ama dagaal xaq u dirir ah,labadaba xariif ayeey ku yihiin dadka Soomaalidu.

Dagaallada ugu caansan ee galay taariikhda Somaalidu ku faanto,waxaa ka mid ah:-

*Dagaalkii Axmed Gureey iyo Xabashida Itoobiya,Qarnigii 16aad,1528 -1543dii.

*Dagaalkii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Gumeystihii Ingiriiska, 1899-1920kii.

*Dagaalkii Shacabkii koofurta iyo Gumeystihii Talyaaniga 1890-1925tii.

*Dagaalkii todaba iyo todobaatankii (77 ) ee dhaxmaray Somaaliya iyo Itoobiya,
1977-1978dii.

*Dagaalkii Xulafadii Maxaakimta Islaamiga iyo Itoobiya,2006-2009kii.

Dagaalladaan dadka Somaalida,waxaa uga dhintay kumannan ruux,oo qiimo iyo qaaya wayn ugu fadhiyay,geesiyaal go’ay oo garawshiyo leh.

Dhanka kale umadda Somaalida,waxa ay hiddo iyo dhaqan u leedahay qabyaalad gaamurtay oo lafaha iyo dhuuxa ka gashay,waana yaryahay ruux ka caafimaad qabo,Wadaad iyo Waranlaba,waxaan dhihi karaa dadka Somaalida qabyaaladdu
waxa ay u noqotay caqiido oo kale, ruuxa Soomaaliga ah meel uu joogaba waxaa wax kasta uga qiima badan,danaha reer tolkiis,taas ayuuna wax kasta ka hormarinayaa.

Qabiilka Somaalida waxa uu uga yimid dhanka Carabta, maxaayeelay Somaalidu waxa ay taqaanay tol ,laakiin booskii tolka waxaa galay eray la macna ah,qabiil:-

qabiilku waxa uu isu badalaa qabyaalad, balse tolka isma badalo.

Qabyaaladda waxa ay keentay,in dadka Somaalida ay la darsaan,dagaalo sokeeye,oo galaaftay mood iyo noolba.

Abaanduule la oranjiray Cismaan Ilaawe Dhegajarco, oo saban hore dagaal galina-ayay reer tolkiis ayaa ku maansooday:-

Dar allaan ku noolaan jiriyo,duul la weeraro,e

Reerkayga waa uga dartaa,daawo nabadeede

Dawadaydu waa laba habaas,kobey ka duushaaye

Haddii aan dudumo yulug harsado ,dacas ma jiifeene;

Dagaaladii dhax mari jiray Somaalida waxa ay ka curanjireen,waxyaabaha ay aadka u qiimeeyso sida:

Geela,gabdhaha,biyaha,baadka, beeraha iwm,Somaalida maanta joogtana,waxaa intaa u dheer arrimo siyaasadeed,balse dadka ugu badan ee huriya dagaalada sokeeye waa Beelaha Geeleyda,waxaana xaqiiqa ah,wadanka waxa uu ka dagi la’yahayna waa ayaga.

La soco Qaybta 2aad ee Maqaalka.

W\Q: Macalin Mukhtaar Sh.Cabdiraxmaan ( Macalin Dugsi)
E-mail: kumaatahay@hotmail.com 

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online