Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhiga Ceel-Cadde ee ciidanka AMISOM

January 15, 2016 - Written by Editor

amisomWarar ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay saaka subaxii hore ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidanka AMISOM ee dalka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo. Ciidanka Al-shabaab ayaa saldhiga ku weeraray gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ka dibna waxaa ay ku qaadeen weerar fool ka fool ah waxaan Saldhiga ka dhacay dagaal xooggan oo markii danbe lagu qasbay ciidanka Kenya in lagala wareego Saldhiga.

Saraakiil u hadlay ciidanka Al-shabaab ayaa sheegay in ay laayeen askar badan oo ka tirsan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ee ku sugnaa Saldhiga Ceel cade ayna kala wareegeen hub iyo saanad kale oo Milateri. Afhayeenka dhinac howlgalka ee Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in 50 askari in ka badan ay ka dileen ciidanka Kenya ayna ka qabsadeen saldhigii iyo agab kale oo ciidan.

Dhanka kale afhayeenka ciidanka KDF col.David Obonyo ayaa xaqiijiyey weerarka Al-shabaab ay u qaadeen saldhiga ciidanka AMISOM ee Kenya ee deegaanka Ceelcade balse waxaa uu ka gaabsaday in uu sheego khasaaraha la gaarsiiyey ciidanka Kenya

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online