Baaq Gurmad Dhibaatada deegaanka Ceel-Cade ee Gobolka Gedo

January 19, 2016 - Written by Editor

ceelCeelcade:-Maamulka Hay’adda, Alrahmah Foundation For Education And Development wuxuu uga baaqaya dhammaan ummadda Soomaaliyeed, ummadda islaamka, iyo hay’adaha gargaarkaba, inay gacan u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed ee  ku wax-yeeloobay deegaanka Ceel-Cade, Gedo Soomaaliya. Sida la wada ogsoon yahay dagaalkii meesha ka dhacay wuxuu sababay khasaaro naf iyo maalba leh. Waxaana ku barakay dad badan oo miyiga iyo magaalooyinka daganaa.

Xaaladda hadda iyo wararkii u danbeeyey waa sidan:-

1. Qiyaas 3,000 qoys ka badan ayaa ku barakacay dagaalka.

2. Goobaha dadku ka bara kaceen waxaa ka mid ah: Ceel-cadde, Ceel-guduud, Dag-shariif, Diir-diire, Haramandhera, Likooleey iyo Shiidleey. Deegaanada qaarkood,  loo qaxay markii hore, ayaa haddana laga sii qaxay markay ciidamada Kenyaatigu kusoo dhawaadeen.

3. Isbitaalka magaacalada Ceel-cadde wax adeegyo caafimaad  kama jiraan, oo magaalada waa laga wada qaxay.

4. Adeegyada sida deg-degga ah loogu baahan yahay waxaa kamid ah: Cunto, biyo, teendhooyin  iyo daawooyin.

Dadka duurka uqaxay maalintii waa qorax, habeynkiina waa qabow. Waxay ku sugan yihiin cabsi joogta ah oo diyaaradaa ku dul-meereysanaya, dhulkana, ciidamada Kenyaatiga ayaa ku soo siqaya saacad walba.Haddaba, Hay’adda Alrahmah waxay ku boorinaysa shacabka  iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan badbaadinta iyo ugargaaridda shacabka Ceel-cadde,  iyo inuu qof weliba mas’uuliyadda kaga aaddan howshan ka soo baxo. Waayo  sida Nabiga suubban scw noo sheegey qof waliba waa mas’uul, maalinta aakhirana waa la weydiin mas’uuliyaddaas.

Gudiga Gurmadka Ceel-cade, ee Alrahmah Foundation waxaad kala xariiri kartaa: Sh. C/qaadir Xaashi Cabaas (Xerow) Mogadishu, Soomaaliya+252617122222

Guddoomiyha Hay’adda Alrahmah
Sh. Abdiweli Xarbi Jaamac
Jan/19/2016

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online