Ciidamo ka tirsan S/land oo ku duulay deegaanka Ballicad oo xarun KMG u ahayd maamulka Khaatumo

January 14, 2016 - Written by Editor

dagaalBuuhoodle:-Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay qabsadeen tuulada Balli-cad oo qiyaastii dhanka koonfur galbeed 80 KM uga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ciidanka maamulka Somaliland ayaa u jeedka weerarka uu ku qabsaday Tuulada Balli-cad waxaa lagu sheegay in ay ka hortagaan shir halkaas uga furmi lahaa waxgaradka ka so jeeda Goboka Sool iyo Cayn uuna shir gudoomin lahaa Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayr.

Deegaanka Ballicad ayaa bilihi la soo dhaafay waxaa ay xarun u ahaynd maamulka Khaatumo waxaan halka loo maro Buuhoodle marka laga imaanayo Saax-dheer, waxaana ay hoostagtaa degmada Buuhoodle.

Wararku waxay sheegayaan in siyaasyiintii maamulka Khaatumo ay ka baxeen deegaanka Balli Cad inta aysan soo gaarin Ciidanka S/land waxaana ay hadda ku sugan yihiin Tuulada Bookh oo ka tirsan Doollo ee dowladda deegaanka Soomaaliya.

Ma ah markii ugu horaysay oo ay ciidamo ka tirsan maamuka S/land ay ku duulaan fariisamo ay leeyihiin maamulka Khaatumo ee uu madaxweynaha a yahay Prof. Cali Khaliif Galayr.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online