Ciidanka Kenya oo dilay Guddoomiyihii Deegaanka Ceel-Cade ee Gobolka Gedo

January 27, 2016 - Written by Editor

amsomMuqdisho:-Wararka ka imaanaya Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamada dalka Kenya ay dileen Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Deegaanka Ceel-Cade C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex. Ciidanka dalka Kenya ayaa waxaa ay maxbuus ahaan u kaxaysteen Guddoomiyihii Deegaanka Ceel-Cade C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex iyagoo ku eedeeyey in isaga iyo ciidankiisu ay wax ka ogaayeen weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ay ciidanka AMISOM ee dalka kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde.

Guddoomiyihii Deegaanka Ceel-Cade C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex ayaaa waxaa ay ciidanka Kenya ay ku dileen deegaanka Shiidley ee gobolka Gedo, waxaa kale oo wararka qaar ay sheegayaan in sarkaal horay uga tirsanaa ururka Al-shabaab ee ka soo goostay ay ciidanka Kenya ay dileen.

Dhinac kale Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo Korneyl Axmed Aadan Xirsi Hufle oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu u xaqiijiyey in ciidanka Kenya ay si bareer ah u dileen Guddoomiyihii Deegaanka Ceel-Cade C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex oo maxbuus ahaan ay u haysteen.

Ilaa iyo intii ay ururka Al-shabaab ay deegaanka Ceel Cade ku laayeen Ciidanka AMISOM ee dalka Kenya ayaa waxaa ay diyaaradaha Kenya waxaa ay duqayn ku laayeen dad shacab ah iyo xool iyagoo dadki shacabka ah ay ka barakeen deegaanadooda.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online