Ciidanka Kenya oo ka baxay Buulo Gaduud iyo Al-Shabaab oo dib u qabsaday

January 28, 2016 - Written by Editor

deegaanka Buulo GaduudKismaayo:-War goordhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka J/hoose , ayaa sheegaaya in ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland ay ka baxeen deegaanka Buulo Gaduud 30km kaga beegan dhanka waqooyi magaalada Kismaayo.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa ay dib ugu soo gurteen magaalada Kismaayo waxaana ay soo baneeyeen Saldhigii 3aad iyaga oo horey uga baxay deegaano ka tirsan gobalka Gedo iyo J/dhexe sida Ceelcade iyo Badhaadhe.

Ciidamada Kenya ayaa bilaabay in ay dib uga gurtaan deegaano ay horey ugu sugnaayeen ka dib markii khasaaro xoog leh loogu geystay Deegaan Ceelcade loogana dilay 100 askari.

Wararka ugu danbeyey ee ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaanka Buulo Gaduud.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online