Colaad dib uga soo cusboonaatay magaalada B/weyne ee gobalka Hiiraan

January 1, 2016 - Written by Editor

baladweyneWararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan gaar ahaan Degaanka Buq-Matoor ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay iska horimaad culus oo dhexmaray Labo Maleeshiyo Beelood oo oodwadaag ah.

Dagaalka ayaa waxaa uu daba socdaa dagaal horey u dhexmaray labada beelood kaas oo ka dhacay Xaafadda Holwadaag Ee Galbeedka Baledweyne.

Iska horimaadka maanta ka dhacay duleedka magaalada B/weyne ayaa waxaa ku dhintay 6 ruux waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Barakac ayaa waxaa uu sababay dagaalka ka soconaya Degaanka Buq-Matoor ee Gobolka Hiiraan. Culumada iyo waxgaradka ,Nabadoonada ayaa u istaagay dajinta dagaalka fitanta ee ka soo cusboonaaday magaalada B/weyne waxaana socda dadaalo badan oo lagu joojinayo colaad ka jirta deegaanka Buq-Matoor ee Gobolka Hiiraan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online