Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee Boosaaso oo xarigga laga jaray (Masawiro)

January 8, 2016 - Written by Editor

IMG_6672Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xamed Cali Xaashi ayaa maanta 08-Jan-2016 Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradah ee Boosaaso kaga qayb galay munaasibad ballaaran oo lagu maamuusayey furitaanka Garoonka Diyaaradaha oo maanta xadhigga laga jaray.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh maxamed Maxamuud, Ra’iisul-wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Xubnaha labada gole ee Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, Siyaasiyiin Saraakiil ciidan iyo Isimo soomaaliyeed uu kamid yahay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Dhammaan kasoo qayb galayaashii munaasabadda ayaa dawladda Puntland ku ammaanay sida wanaagsan ee ay u fuliyeen mashariicdan uu kamid yahay garoonka diyaaradaha Boosaaso taasoo markhaati u noqon doonta In Puntland ay diyaar u tahay inay ula tartanto waddamada hore u maray.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey dhammaan kasoo qayb galayaasha munaasabadda gaar ahaan Madaxda Dawladda Federaalka iyo Safiirada waddamada Talyaaniga iyo Shiinaha oo la aantood aanu hirgaleen mashruucaasi iyo shirkaddi dhistay garoonka diyaaradaha ee CCECC oo si hagar la’aan ah hawshii loo igmaday u fulisey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Garoonkan ku tilmaamay mid guul u ah dhammaan ummadda soomaaliyeed isla markaasna ay Reer Puntland uga kaaftoomi doonaan caqabado badan oo kahaystay xiriirada ganacsi iyo kan bulsho ee ay laleedahay waddamada dibbadda gaar ahaan waddama Carabta iyo Africa oo Punland uu kala dhexeeyo xiriir ganacsi oo taariikhi ah iyo waddamada kale ee dibadda kuwaas oo ay ku kala nool yihiin dadka reer Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale xusay in markab kii sidey qalbkii lagu ballaarin lahaa Dekedda Boosaaso uu todobaadkan gudihiisa imaan doono taasin ay xaqiijinayso sida uu u dhaboobey ballanqaadkii dawladdiisa ee salka ku hayey dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa geestiisa u hambalyeeyey Shacabka reer Puntland Horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsadeen isagoona mashruucan ku tilmaamay guul usoo hoyatey guud ahaan shacabka soomaaliyee.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa sidoo kale Dawladda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali sida uu xoogga u saarayo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland waxaana uu intaasi raaciyey in dawladda Federaalka Soomaliya ay garab taagan tahay Puntland isla markaasna uu rajaynayo inay kaqayb qaataan wejiga labaad ee Garoonka.

Geba-gebadii Madaxweynaha Dawladda Puntland, Madaxweynaha Dawladda Federaalka iyo Labada Safiir ee Talyaaniga iyo Shiinaha ayaa si wada jir ah xarigga uga jaray garoonka.

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online