Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Oo Kulan La Qaatay Madaxweyne Ku Xigeenka Ciraaq Iyad Allawi

January 23, 2016 - Written by Editor

Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (5)Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo booqasho ku jooga magaalada Baqdaad ee ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Ciraaq Iyad Allawi.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo wehliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux), safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi iyo Qunsulka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Mudane Maxamed Cabdi Cali waxaana kulanka looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in kulanka ka dhacay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq uu ku saabsanaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda islamarkaana waxyaabihii laga wada hadlay la isku af gartay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo wafdi uu hogaaminayo ay magaalada Baqdaad kaga qeybgalayaan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee PUIC ayaa geesta kalena kulammo la leh Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Islaamka ee kulanka kasoo qeybgalay.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online