Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS oo si weyn loogu dhaweeyey Kismaayo.[Masawiro]

January 12, 2016 - Written by Editor

IMG_6817Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan “Jawaari” oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaannada Baarlamaanka u metella madatasha Wadatashiga qaran ee doorashooyinka ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha Jubbaland, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo horey u joogay magaalada Kismaayo iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlay soo dhaweynta garoonka diyaaradaha ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yimaado markii ugu horeysay magaalada Kismaayo islamarkaana hada ay xubinta ugu muhiimsan ee wafdiga imaanaya waxaana uu xusay in u jeeddada uu u yimid ay tahay ka qeybgalka Shirka Madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka 2016 dalka ka dhacaya oo dhowaan ka furmi doona magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo isna dhankiisa ka hadlay goobta ayaa ka mahad celiyey sida quruxda badneyd ee lasoo dhaweeyey wafdigiisa waxaana uu tilmaamay in uu rajeynayo in shirka madasha wadatashiga qaran ee ka furmi doona Kismaayo ay kasoo baxaan qodobbo dhaxal gal u ah umadda Soomaaliyeed kaasi oo loogu magac dari doono go’aankii Kismaayo.

—-DHAMMAAD—-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online