Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Dhuusamarreeb
January 7, 2016 - Written by EditorWafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray maanta magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan Maamulka gobalada Dhexe .
Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyo ilaa 25 xildhibaan baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa labaad ee baarlamaanka DFS Mahad Cabdalle Cawad.
Ilaa haatan Lama oga ujeeddada safarka guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu ku tagay Degmada Dhuusamarreeb halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda Suufiyada.
Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato Masuuliinta maamulka G/dhexe .
A/Cawale
Halgan.net