Khudbadihii ay ka jeediyeen Madaxweynayaasha Puntland iyo DFS xafladii furtitaanka Garoonka Boosaaso.[Cod/Masawiro]

January 8, 2016 - Written by Editor

IMG_2931Boosaaso:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbadii uu ka jeediyey xafladii furitaanka garoonka magaalada Boosaaso saaka ayaa waxaa uu mahad balaadhan u jeediyey dowladda Talyaaniga, Shirka Shiinaha ee dhistay Garoonka Boosaaso, , Madaxweynahayaashii hore ee Puntland , wasaaradda duulista iyo hawada Puntland ,Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Cabdiweli Sh Maxamuud, ciidanka amaanka ee garoonka Boosaaso. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in mashruuc dhismaha garoonka Boosaso uu soo maray marxalado kale duwan iyadoo madaxdii kala duwanaa ee soo martay Puntland ay dadaal dheer u galeen siddii Kaabayashii dhaqaale loo horumarin lahaa ugu danbayntiina lagu guulaystay.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in Puntland ay yeelatay Garoon caalami ah ayna ka baxday go’deenkii ay ku jirtay waxaan loo baahan yahay in laga faa’iidaaysto.

no images were found

Hoos ka Dhagayso khudbadii Madaxweyne Gaas ka jeediyey furitaana garoonka Bosaaso

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/MadaxwaynGaas-.mp3]

Dhinac kale Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa waxaa uu shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Puntland ugu hambalyeeyey dhismaha garoonka caalamiga ee Boosaaso oo saaka xariga laga jaray isagoo sheegay in arrinkaan uu tusaale u yahay horumarka ay ku talaabsanayso dowladda Puntland iyo in garoonka uu yahay mid ay leedahay umada Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhagayso khudbadii Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh ka jeediyey furitaanka garoonka Bosaaso

[audio:http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Madaxwayne-Xasan.mp3]
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online