Madaxda Dawladda Puntland oo Boosaaso ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.[Video/Masawiro]

January 7, 2016 - Written by Editor

IMG_5255Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi ayaa galabta 07-Jan-2016 waxay Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee Boosaaso kusoo dhoweeyeen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaan sharaf waxay ka qaateen Cutubyo katirsan ciidanka Police-ka Puntland, iyadoo intaasi kadib ay si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen Qaybta Nasashada Garoonka ee VIP-da.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga Mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya safarka uu ku yimi magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari isagoona intaasi raaciyey in socdaalka Madaxweynuhu ku qotomo kaqaybgalka furitaanka Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso kaas oo maalinta berrito ah xadhigga laga jari doono.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Dawladda Federaalka ahi uu Boosaaso sii joogi doono dhowr maalmood oo dambe isla markaasna uu kaqayb geli doono xafladda Sannad-guuradii labaad ee kasoo wareegtey xilligii uu talada Puntlad lawareegey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Xukuumaddiisu.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahaceliyey Madaxweynaha Dawladda Puntland, Golayaasha Dawladdiisa iyo Shacabka Puntand ee sida weyn ugu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay inuu ku faraxsanyahay imaatinkisa magaalada Boosaaso isagoona xusay in uu sii joogi doono muddo dhowr maalmood ah, waxa uu sidoo kale xusay Puntland inay ay marayso xilligii horumarka taasina ay tahay mid soomaali oo dhan guul u ah.

no images were found

Daawo ka Daawo MADAXWEYNAHA Dowladda Federaalka Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo Garoonka Boosaaso lagu soo dhaweeyey


DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online