Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo soo dhaweeyay Markabkii ugu horeeyay oo sida qalabka lagu balaarinayo dekadda magalada Bosaso.

January 12, 2016 - Written by Editor

DSC_0081Boosaaso:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Markab sidda agab kala duwan oo la doonayo in lagu ballaarinayo Dekedda weyn ee magaalada Boosaaso. Markabkii sidda qalabka ayaa markii uu ku soo xirtay Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso waxaa tegay Madaxweyne Kuixgeenka dowladda Puntland Eng.C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey,Wasiirka Arrimaha gudaha ee dowladda Puntland Axmed Cilmi Karaash, Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda C/laahi Jaamac Saalax, Xidhibaano ,Maamulka Gobolka bari iyo kan degmada.

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin C/laahi Camey oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in la balaariyo dekadda weyn ee Boosaaso ayna tahay guul ay u soo hoyatey Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin C/laahi Camey ayaa sheegay horumarinta iyo farxada balaadhinta dekadda Boosaso aysan guul u hayan oo kaliya Puntland balse ay tahay guul u soo hoyatey umada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto.

Dhinac kale , Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda C/laahi Jaamac Saalax ayaa sheegay in Markabka maantaa yimid dekkadda Boosaso uu horu dhac u yahay Maraaiib kale oo sida qalabkii ama agabki agu horumarin lahaa dekadda Boosaaso taas oo wax weyn ka tarin doonto Kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland iyo gobollada Soomaaliya oo dhan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online