Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo u amba-baxay Kismaayo.[Masawiro]

January 10, 2016 - Written by Editor

IMG_8175Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti ballaan uu hoggaaminayo ayaa maanta 10-Jan-16 ka amba baxay magaalada Boosaaso ee xarunt Gobolka Bari iyagoo kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel-gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubba-land.

Waftiga Madaxweynaha oo isugu jira golayaasha Dawladda Puntland iyo xubno meteleya bulshada rayidka ah ayaa magaala Kismaayo u aadey kaqayb galka shirka lagu go’aaminayo habka ay noqon doonaan Doorashooyinka lafiyo dalka inay kaqabsoomaan sannadka 2016-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo qolka nasashada ee Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay Madasha shirka la tegi doonaan aragtidii shacabka Puntland ee ay hore u geeyeen madalihii looga hadlayey Mustaqbalka Soomaaliya iyo Hannaanka doorashooyin oo dabayaaqadii sannadkii tegey lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Aragtigaas oo ahay in Deegaan wax lagu soo doorto si loo helo metelaad shacab oo dhab ah isla markaasna leh la-xisaabtan dhab ah si loogu adeego shacabka, taas oo haddii ay suura gasho noqon karta mid meesha ka-saarta is qab-qabsigii ragaadiyey dawladihii dalka u kala dambeeyey.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online