Madaxweynaha Dawladda Puntland Kismaayo kaga qayb galay xaflad soo dhoweyn ah.[Masawiro]

January 16, 2016 - Written by Editor

IMG_9319Kismaayo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 15-Jan-2016 magaalada Kismaayo kaga qayb qalay munaasabad lagu soo dhoweynayey madaxda soomaalida ee kismaayo u joogta shirweynaha madasha wada tashiga qaran ee geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha  Dawladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynaha Dawladda Jubba-land iyo Madaxweynayaasha maamulada ku meel-gaarka ah ee Koonfur-galbeed iyo Gal-Mudug iyo xubno kasocda labada gole ee Dawladda Federaalka ah iyo Dawladaha Xubnaha ka ah iyo dadweyne kale.

Munaasabadda oo gun-dhiggeedu ahaa xoojinta iyo hoga –tusaalaynta midnimada soomaaliya iyo qiimaha ay leedahay Qarannimada soomaaliya ayaa waxaa lagu soo bandhigay intii ay socotey Heeso iyo Riwaayado ka turjumaya midnimada iyo qiimeeheed iyo dawlad la’aanta iyo dhibaatooyinkeeda.

Sidoo kale waxaa munaasabadda lagu soo bandhigay riwaayado sawir kabixinaya dhibaatooyinkii kala duwanaa ee uu soo maray dalku, kuwaas oo isugu  jirey colaadihii sokeeye, kooxo-diimeedyadii, tahriibtii, burcad-badeedkii iyo boobkii lagu sameeyey badaha Soomaaliya.

Geba-gebadii munaasibaddu waxay kusoo idlaatay jawi wanaagsa iyo dar-daaran loo jeediyey madaxdii kasoo qayb gashay kaas oo ku qotomey siday uga shaqayn lahaayeen mideynta ummadda soomaaliyeed iyo siday u muujin lahaayeen isu-tanaasul  si loo helo qarannimo soomaaliyeed oo cageheeda isku taagta.

—DHAMMAAD—

XAFIISKAA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online