Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida ku timi Wasiiru-dawlihii Caafimaadka Puntland

January 3, 2016 - Written by Editor

gaasGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya magaca Golayaasha Dawladda Puntland ka tacsiyeeyey geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Col. C/laahi Jaamac Cali oo ku geeriyoodey magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa isagoo kujira shirweynihii La-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda waxaa uu Marxuumka eebbe uga baryey in uu Jannada Fidowsa ka-waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntalnd ayaa kasoo qayb galayaasha shirka xasuusiyey inay faataxada u soo maraan Marxuumka in ilaahay su’aasha u fududeeyo kitaabkiisana uu midigta uga dhiibo.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online