Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh “Koox yar oo ka been sheegeysa diinta Islaamka ma burburin karto rajada shacabkeena”

January 22, 2016 - Written by Editor

Xasan-SheekhMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu u dhaqaaqey inay nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan, iyagoo dhinac iska dhigaya waayihii mugdiga ahaa ee ay soo mareen. Madaxweynaha oo ka hadlayey falkii kooxaha ay ka luntey jihada diinta Islaamka ay ka geysteen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ururka Al Shabaab ay doorbideen inay beegsadaan carruur, haween, iyo dad shacab ah oo ku nasanayey makhaayadaha, taasina ay caddeyn u tahay in argagixisada iyagoo naf la caari ah ay doonayaan inay goobaha shacabka u bedelaan goobo dagaal.

“Allah u naxariistee shuhadadii xaley ku naf waayey falkaasi diinta Islaamka ka baxsan ee argagixisadu ay geysteen. Dad shacab ah oo daqiiqado ka hor gutey waajibaadka salaadda ayay ahaayeen, kuwaas oo halkaasi ku nasanayey, kadib toddobaad dheer oo ay qaranka u adeegayeen. Meelna ugama jirto diinteena Islaamka ee saliimka ah in shacab la xasuuqo. Waxaan Ilaahay uga baryayaa kuwa naftooda ku waayey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, kuwaa dhaawacmeyna uu deg-deg u caafiyo’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sidii degdegga ahayd ee Ciidammada Qalabka Sida ay uga jawaabeen weerarkaasi fuleynimada ah ee Al Shabaab, isagoo sheegay in argagixisada uu waqtigooda sii dhammaanayo, jabka ay kala kulmeen ciidanka dowladda awgeedna ay u beegsanayaan rayidka.

—DHAMMAAD—-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online