Madaxweynaha: “Ugaas Khaliif waxaa uu ahaa nin naftiisa u huray nabadeynta iyo dib u heshiisiinta’’

January 3, 2016 - Written by Editor

xassanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sh. Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta ku geeriyooday magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto marxuumka. Waxaa lagu xusuusan doonaan hawlihii muhiimka ahaa ee uu u hayey bulshada sida nabadeynta iyo dib u heshiisiinta oo uu wadey ilaa ay geerida uga timaaddo. Waxaan Ilaahay uga baryaya naxariistii inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii , eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan uu ahaa shakhsi dadaal badan ku bixiyey inuu bulshada iyo qaranka Soomaaliyeed u adeego.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online