Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Gal-Mudug oo ka soo horjeestey socdaalii Jawaari ku tegay Dhuusamareeb.[Video]
January 7, 2016 - Written by EditorCadaado:-Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Gal-Mudug ayaa cambaareeyey safarkii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka galgaduud.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Gal-Mudug oo shir uu uga socday degmada Cadaado xarunta KMG ee Gal-Mudug ayaa kulankooda waxaa ay ka soo saareen ilaa 5 qodob oo ay ku heshiiyeen.
Hoos ka eeg warsaxaafdeedka ay si wada jir ah u soo saarreen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Gal-Mudug. no images were found
Madaxweyneyaasha Gal-Mudug iyo Jubbaland ayaa sheegay in socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay mid wax u dhimaya wada hadaladii u socday Gal-Mudug iyo wadaada Suufiyada ee gacanta ku haya deegaano ka tirsan Gobolka Gal-gaduud gaar ahaan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud.
Hoos ka Daawo shirka Jaraa’d ee ay wada jir ugu qabteen degmada Cadaado Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed
A/cawaale
Hagan.net