Madaxweyne Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo Banki casri ah xaraga ka jaray [Masawiro]

January 9, 2016 - Written by Editor

IMG_7888Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09-Jan-16 xarigga ka jaraya Bangi Caalami  ah oo lagu magcaabo CAC International Bank, bangigaas oo ah mid laga heleyo dhammaan adeegyada ay bixiyaan bangiyada  Caalamku.

Munaasibadda xarig kajaridda Bangiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Ganacsato, Maamulka Bangiga iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dawladda Punland ayaa ku tilmaamay  bangigan mid wax-badan ka bedeli kara horumarka guud ee Puntland kana qayb qaadan kara  horumarka ganacsi iyo kan kaabayaasha dhaqaalaha Puntland isla markaasna laga filayo fikrado cusub iyo ganacsiyo cusub oo  waddanka looga hirgelin karo maadaama uu yahay Bangigii ugu horeeyey ee Caalami ah oo Puntland laga hirgeliyo.

Madaxweynaha ayaa u rayey Bangiga CAC iyo Bangiyada kale ee Puntland ka hawl gala inay xiriir wanaagsan yeeshaan iskana kaashadaan kaqayb qaadashada  horumarka baaxadda leh ee kasocda  Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xadhigga kajaray Xero cusub oo magaalada Boosaaso looga dhisay qaxooti isugu jira soomaali iyo Yamaniyiin, kuwaas oo kasoo qaxay dagaaladii dhowaan ka dhacay waddanka aynu deriska nahay ee Yaman.

Munaasiba xarigga looga jarayey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Danjiraha Dalka Yamane e Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Maaulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Masuuliyiin kale  iyo qaxootigii la dejiyey xeradaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta uu yimaado xeradan si’uu u ogaado xaaladda dhabta ah ee ay kusugan yihiin dadka ku dhaqan xerada maadaama ay magan u yihiin Dawladda Puntland.

no images were found

Madaxweynaha ayaa sidoo kale umadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto ugu baaqay  in ay il gaar ah ku hayaan dadka nugulka ah oo soo dhibaatooday nabadgelyadooda iyo noloshoodaba, sidoo kalena hay’adaha mucaawinooyinka loogu soo dhiibo dadkan tabaalaysan ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay  in ay soo gaarsiiyaan maadaama ay maanta ugu baahi badan yihiin xaqna u leeyihiin wixii loogu talo galay in lasoo gaarsiiyo.

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online