Madaxweyne Gaas oo shacabkiisa kulan Qaxwayn ah kula qaatay qaybo ka mid ah hotellada Boosaaso.[Masawiro]

January 29, 2016 - Written by Editor

IMG_1236Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 29-Jan-2016 socod dheer oo lug ah kusoo maray qaybo kamid ah shaaracyada waaweyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Madaxweynaha ayaa sood dheer  kadib waxaa uu  gaarey Hotel Gacayte oo ku yaalla woqooyiga Boosaaso gaar ahaan xaaxiga ama  xeebta Boosaaso, halkaas oo uu kulan  nasasho iyo qaxwayn ah kula qaatay dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab, kuwaas oo goobta ku sugnaa, maadaama uu Madaxweynuhu soo af-meeray Safarro shaqo oo bilihii ugu dambeeyey uu ku-jirey kuwaas oo xal loogu raadinayey geeddi-socodka doorashooyinka 2016.

Madaxweynaha ayaa intii uu shacabkiisa la-qaxwaynayey waxaa koox-koox  ugu imaanayey shacabkii  goobta ka qaxwaynayey,  kuwaas oo hambalyo iyo salaan sharaf u wadey isla  markaasna ku bogaadinayey go’aankii geesinimada lahaa ee uu ka qaatay shirkii bur-buray ee madasha wadatashiga qaran. Madaxweynaha ayaa ayaa markii uu soo dhammaystay kulankii nasashada ahaa ee uu la-qadanayey shacabkiisa waxaa uu salaadii Maqrib shacabkiisa kula tukadey  Masaajid ku yaalla Gacayte Hotel.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi ka-dib waxaa uu Hotel Huruuse oo ka-mid ah Hotellada magaalada Boosaaso kula caweeyey qaybo kamid ah  Duubabka iyo hal-doorka Gobolka Bari, kuwaas oo Madaxweynaha ku bogaadiyey sida uu u difaacay aragtida shacabka Puntland ee geeddi-socodka doorashooyinka 2016.

Socdkaan lugta ah ee uu Madaxweynuhu ku dhex lugaynayey magaalada Boosaaso ayaa muujinaya Nabad-geliyada iyo xasiloonida gaamurtey ee ka jirta magaaalada Boosaaso, waxaana uu soo jiidanaysaa kalsoonida shacabka Puntland ku qabi karaan ka- hirgelinta magaalada Boosaaso goobo ganacsi caalami ah oo la tartami kara dunida horumartay.

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online