Maxkamad ku taalla New York oo Mahdi Xaashi ku xukuntay sagaal sano

January 30, 2016 - Written by Editor

Mahdi-HashiMaxkamad ku taalla magaalada New York ayaa nin Soomaali ah ku xukuntay sagaal sano oo xabsi ah kadib markii uu qirtay inuu taageero u fiidyey ururka Al-Shabaab. Dacwad-oogista Maraykanka ayaa sheegtay in ninkaasi oo lagu magacaabo. Mahdi Xaashi kuna dhashay Soomaaliya uu ka tagay waddankii uu ku koray ee Biritan kuna laabtay Soomaaliya isagoo ku biiray ururka Al-Shabaab.

Mahdi Xaashi oo 26 jir ah waxaa xukuntay maxkamadda Brooklyn, New York Jimcihii kadib markii uu bishii May ee sannadkii hore qirtay inuu taageero u fidiyey ururka Al-Shabaab.

Isla maxkamadda ayaa usbuucii hore laba qof oo muwaadiniin reer Sweden ah oo la shaqaynayey Mahdi Xaashi ku xukuntay xabsiyo kala duwan. Mahdi Xaashi waxaa la qabtay sannadkii 2012-ka waxaana lagu qabtay Bariga Afrika kadibna waxaa loo soo wareejiyey dalka Maraykanka.

Dacwad-oogista ayaa sheegtay inuu wadashaqayn la lahaa Cumar Xamaami iyo koooxda u dhalatay Maraykanka ee uu hoggaamin jiray. Xamaami waxa uu ka mid ahaa mintidiinta ay Maraykanku sida weyn u doonayeen ilaa intii uu ku dhintay weerar ay ku qaadday ururka Al-Shabaab.

Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay doonayaan inay qortaan dadka reer galbeedka ah sababtoo ah si dhib yar ayey iskaga gudbi karaan xuduudaha caalamka.

Al-Shabaab ayaa sannadkii 2010-ka maamulayey inta badan Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya hase yeeshee waxa ka riixay dhulkaasi oo ka qabsaday ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online