Puntland oo hakisay safarkii uu ku imaan lahaa Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya

January 29, 2016 - Written by Editor

sharMuqdisho:-Waxaa maanta la filayey in Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay yimaadaan magaalada Bosaaso balse safarooda ayaa dib u dhaca ku yimid ka dib markii Madaxda Puntland ay imaanshihiisa ka caga jiiday sida Halgan.net ay ku heshay xogtaan.

Xogtaan ayaa waxaa ay sheegaysaa in Madaxda dowladda Puntland ay doonayaan in golayaasha dowladda Puntland ay ka kooban tahay iyo Issimada ay qaadan doonaa shirar goon gooni ka hor inta aysan Puntland imaanin wafdiga Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake walow xog kale oo ka soo horjeeda ay sheegayso in madaxda dowladda Puntland ay doonayaan in ay eegaan ficil celiska shacabka ku nool Puntland oo dowladdu u sheegtay in ay ka soo horjeedo 4.5.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa socdaalkooda waxaa uu ku qotamaa sidii ay madaxda Puntland ugu qancin lahaayeen go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka ay ku jaan goysay qaabka loo soo dhisayo Xidhibaanada dowladda Federaalka ee soo socota ka dib bisha Augsta ka dib 2016.

llo wareed lagu kalsoon yahay oo Halgan.net xogtaan siiyey ayaa waxaa ay u sheegeen in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka imaanshiyahoodu ay sii adkaatay ka dib markii Madaxda Puntland ay soo saareen warsaxaafeed ku qoran Af-ingriska oo ay u qoran tahay lahjad siyaasadeed oo adag.

Hoos ka eeg warsaxaafadeedka ay madxda Puntland ka soo saareen Natijadii shira wadatashiga ee lagu soo xiray magaalada Muqdisho.


Warar hordhac ah ayaa waxaa ay sheegayaan in laga yaabo in wafdiga Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu ka baaqsan doono socdaalkiisa Puntland maadaama madaxda Puntland ay shacabka gaarsiiyeen meel xasaasi ah ayna magaalooyinka waaweyn ee Puntland ay dhaceen banaanbaxyo ka dhan ah natiijadii ka soo baxday shirka wadatashiga qaran ee Muqdisho lagu soo afmeeray haddi aysan madaxda Puntland u samaynin
gogol xaar lag soo dhaweynayo wafdiga Ra’iisul wasaare Sharmaake.

M_M_deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online