Ra’iisul Wasaaraha DFS iyo wafdi beesha caalamka ah oo la filayo in ay soo gaaraan Boosaaso

January 29, 2016 - Written by Editor

sharMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la filayaa in ay maanta soo gaaraan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari si ay wada xaajood ula furaan madaxda Puntland oo ka horyimid go’aanii ka soo baxay shira wada tashiga qaran ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehelin doono wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka soomaaliya iyo xubno ka tirsan beesha caalamka oo qayb ku lahaa shirkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee taageeray aragtida dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan qaabka loo soo xulayo xubnaha ka mid noqon doona golaha baarlamaanka bisha Augsta ka dib 2016.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay doonayaan in xal laga gaaro nidaamka 4.5 ee ay Puntland diidan tahay in lagu soo xulo aqal hoose ee Golaha baarlamaanka ee la dhisi doono.

Socdaalka wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa ku soo beegmay xili shaay ayb magaalooyinka waaweyn ee Puntland ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo go’aankii beesha caalamka iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen shirka wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online