Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ahaa tiir ay tabi doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.

January 26, 2016 - Written by Editor

sharMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa tacsi u diray shacabka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Ruug-cadaagii Saxaafadeed Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo ahaa La-taliyaha R/Wasaaraha ee Arrimaha Saxaafadda, sidoo kalana ahaa shaqsi kaalin weyn ka soo qaatey saxaafadda Soomaaliya.“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu ka baxay ummada Soomaaliyeed oo dhan, cid walbana way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtey intii uu noolaa.

Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabi yo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo’’, ayuu yiri R/Wasaare Cumar.Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay Soomaaliya, tusaale iyo ku dayasho wanaagsana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel walba oo ay joogaan. Marxuumka ayaa xaley saqdii dhexe ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

DHAMAAD

A/cawaale
Halgan.net
 

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online