Shirkii madasha wada tashiga qaran ee madaxda Soomaalida oo markii 3aad baaqday

January 12, 2016 - Written by Editor

shirka-kismayoKismaayo:-Waxaa maanta markii saddexaad baaqday shirkii madasha wada tashiga qaran ee madaxda Soomaalida oo lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Ksmaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.shirkii madasha wada tashiga qaran ee madaxda Soomaalida ayaa u jeedka uu ku baaqday waxaa lagu sheegay in madax weynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu maanta ka furay magaalada Jowhar shirka maamul u samaynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

furitaanka shirka maamul u samaynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxweynaha maamuka Gal-Mudug , xildhibaano, ergooyin ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo marti sharaf kale.

Shirka Jowhar ayaa waxaa uu socon doonaa maalmo kooban waxaan agu soo dhisi doonaa maamul gobollleed loo sameeyo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo caasimadsuna tahay degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Shirkii madasha wada tashiga qaran ee madaxda Soomaalida ayaa la rajaynayaa in maalinta beri ah uu si rasmi ah u furmo uuna yimaado madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud , ilaa hadda si cad looma oga in maqnaashaha madax weynaha DFS Xassan Sheekh maxamuud ee shirka ismaayo ay salka ku hayso khilaaf iyo aragti kala duwanaanshaha madaxda Soomaalida.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online