Shirkii madasha wada tashiga qaran ee madaxda Soomaalida oo markii 4aad baaqday

January 13, 2016 - Written by Editor

IMG_8145Kismaayo:-Waxaa maanta markii 4aad baaqday shirkii madasha wada tashiga qaran ee madaxda Soomaalida oo lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Ksmaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland xili uu maanta soo gaaray magaalada Kismaayo Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud. Shirkii madasha wada tashiga qaran ee madaxda Soomaalida ayaa u jeedka uu ku baaqday waxaa lagu sheegay in madaxda Soomaaidu ay weli ku kala aragti duwan yihiin qaabka ay u dhacayso doorashada 2016.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud ayaa shalay waxaa uu ka furay magaalada Jowhar shirka maamul u samaynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe isagoo madaxweynuhu uu quudaraynayo in shirka laga doorto madaxweyne ku soo biira wadatashiga madaxda Soomaalida ee ka socda Kismaayo iyo kan agu balan san yahay in uu ka dhaco dalka Turkiga.

Shirka Jowhar ayaa waxaa uu socon doonaa maalmo kooban waxaan lagu soo dhisi doonaa maamul gobollleed loo sameeyo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo caasimadsuna tahay degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Shirkii madasha wada tashiga qaran ee madaxda Soomaalida ayaa la rajaynayaa in uu furmo maalmaha soo socda, ilaa hadda si cad looma oga in madax weynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Fderaalka sababta ay uga caga jiidayanaa furi taana shirka Kismaayo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online