Shirkii wadatashiga ee ka socday magaalada Kismaayo oo lagu kala tegay

January 15, 2016 - Written by Editor

IMG_9021Kismaayo:-Wararka ka imaanaya caawa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in caawa wax horumar ah aysan wada gaarin madaxda Soomaalida ee shirka uga socday Kismaayo ayna kulamadoodu ay ku soo idlaadeen natiijo la’aan.

Wararka ayaa sheegay in Madaxdu ay isku mari waayeen qaabka ay noqonayso doorashada 2016 iyo qaaba lagu soo xulayo xildhbaanda labada aqal ee kan sare iyo kan hoose, Madaxda ayaa wax tanaasul ah ka samayn aragtiyadooda waxaan ay weli kaa qabaan in xildhiabaanada lagu soo xulo 4.5 iyo qaab deegaan.

Madaxda Soomaalida ayaaa waxaa ay kala qabeen ilaa 3 aragtid oo kala ah:-

1. In Xildhaabnada labada aqal lagu soo xulo 4.5

2. In Xildhaabnada labada aqal lagu soo xulo deegaan

3. In Xilka loo kordhiyo madaxda doqladda Federaalka Soomaaliya mudo 2 sano ah.

Madaxda ayaa Is jiid jiid ka dib ayaa waxaa la isla soo gaaray in shirka Kismaayo la soo xiro loona balamo shirar kale oo ka dhici doonaa gudaha dalka Soomaaliya.
Madaxda Soomaalida ayaa laga yaabaa in maalinta beri ah ay soo saaraan wax uun ay ku sheegeen warmurtiyaad aan wax micno ah aan ku fadhin taas oo ay ku doonayaan in ay ku jahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed haddii aysan ilaa beri wax aysan ku hishiin.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online