S/Land: oo xukun ku riday rag faafinayey madhabka baadilka ah ee Shiicada (Dhageyso)

January 12, 2016 - Written by Editor

pakistani_shiicoHargeysa:-Maxkamadda degmada Hargeysa ee Somaliland ayaa maanta xukun xadhig, ganaax iyo masaafuris isugu jira ku ridday saddex qof oo laba ka mid ahi ay u dhasheen dalka Pakistan, kuwaas oo ku eedaysnaa inay mad-habta shiicada ku faafinayeen Somaliland.

Qofka saddexaad ee maxkamadda ay xukunka ku ridday ayaa ahayd qof dumar ah oo Soomaali ah, taas oo ku eedaysneyd inay marag been ah furtay.

Xukunkan oo maanta uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel), ayaa sheegay in dadkan ay ku howlanaayeen qal-qal gelinta caqiidada Islaamka ee Sunniga ah ee Somaliland ay aaminsan tahay.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel), waxa uu sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha oo qaar la xukumay ayaga oo maqan ay qeybiyeen illaa 200 oo buug oo ku turjaman Af-Soomaali, kuwaas oo madhabta shiicada ka hadlaya.

Weriyaha VOA Barkhad Kaariye oo ku sugnaa xarunta maxkamadda marka xukunku dhacayay, ayaa warbixintan nooga soo diray Hargeysa.
Somaliland oo xukuntay dad shiico faafinayey

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online