Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb.[Masawiro]

January 7, 2016 - Written by Editor

DSC06806Dhuusamareeb:-Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh. Cusmaan “Jawaari” ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud halkaasi ii oo si weyn loogu soo dhaweeyey. Afhayeenka Baarlamaanka waxaa wehliya Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, 25 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta Ahlu Suna Wal Jamaaca ee gobollada Dhexe.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay munaasabad soo dhaweyn aheyd oo wafdiga loogu sameeyey xarunta Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ayaa u mahad celiyey shacabka iyo maamulka halkan sida ay usoo dhaweeyeen waxaana dhanka kale ay Xildhibaannadu tilmaameen in loo baahan yahay nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah.

Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah hogaanka Culumaa’udiinka Ahlu Suna Wal Jamaaca ee gobollada Dhexe oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga
mahad celiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa sida ay u aqbaleen marti qaad ay u fidiyeen waxaana uu dhanka kale tilmaamay iney soo dhaweynayaan wafdiga wax walba oo ay u keenaanna ay diyaar u yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo munaasabadda
hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu horeyn yiri “maanta waa maalin taariikhi ah, uma ahan taariikhi in aan Dhuusomareeb nimid laakiin
waxey ku tahay in nin meel ku oodan oo aan u nimid inaan shacabkiisa la heshiisiinno uu na cambaareeyo, waxa aan u nimid inaan dhageysano
cabashadiinna maadaama aad tihiin shacabka aynu metelno” .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii jeediyey Khudbaddii ugu dambeysay
ayaa u mahad celiyey maamulka iyo shacabka gobollada dhexe sida ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa waxaana uu yiri “ waxaan ahay ergey uu soo
diray Madaxweynaha Soomaaliya, nabadda iyo midnimadda Umadda Soomaaliyeed marna gor gortan kama galeyno waxaa la joogaa xiligii
isku tanaasulka waxaanna codsaneynaa inaad nabadda nagu raacdaan, dowladda diyaar ayey idiin tahay” .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo oo caawa ku hooyan doona magaalada
Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa kulammo la qaadan doonna qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Ahlu Sunna ee
gobollada dhexe.

no images were found

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online