Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka X.D.S oo kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dawladda Imaaraadka.[Masawiro]

January 3, 2016 - Written by Editor

20160103_115312Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa maanta kulan la qaataySafiirka Dawladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalkeena Soomaaliya Amb. Mohamed Cusmaan, waxana ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidoo kale taageerada ay dowladda Imaaraadka Carabtu siinayaan Ciidamada Dawladda Soomaaliya.

Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in Danjire Mohamed Cusmaan ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal, isagoo xusay in dowladda Imaaraadku ay balan-qaaday sii xoojinta tababarka iyo tayaynta ciidamadda qalabka-sida. Mudane Diini ayaa mahad celin u jeediyay Dawladda iyo Shacabka Imaaraadka Carabta sida walaaltinimada leh ee ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Safiirka taageeradooda ku aaddan Ciidanka Xoogga dalka, wuxuna dhinaca kale sheegay in mar walba ay ka go’an tahay sii xoojinta cilaaqaadka labada dalka.

no images were found

“Waxaan wadahadal dheer oo wax ku ool ah la yeelanay Danjiraha Dawladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya oo aan ka wada-hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa mashaariicda Imaaraadka ee Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska Ciidamada Xoogga Dalka”. ayuu yiri Gen Maxamed Aaden.

Sidoo kale Safiirka Dowalada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay kordhin doonan taageerada Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha siyaasadda iyo mashaariicda horumarineed intaba.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online