Wasiirka Gaashaandhigga DFS iyo Ingiriiska oo kala saxiixday Heshiis dhanka Ammaanka ah.[Masawiro]

January 31, 2016 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Amb Harriet Mathews,  ayaa maanta xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis wax wada qabsi oo  dhanka Amniga ku saabsan.

 Saxiixa Heshiiska ka dib, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in heshiiskani  uu wax badan u tarayo labada dal isla markaana ka caawinayo in ay iska kaashadaan la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaan.

  “Heshiiskan wuxuu Soomaaliya ka caawin doonaa in awood ay u hesho dhismaha Hay’adaha ammaanka iyo sidoo kale in labada dalka ay yeeshaan wada shaqayn dhow oo la xiriirta Amniga, si aan uga guuleysano kooxaha xagjiriinta ah ee dhibatada ku haya dalkeena.” ayuu yiri Wasiir Diini.

 Wasiir Diini, ayaa tilmaamay in Britain  kaliya aysan ka qeyb qaadan xaqiijinta amaanka, balse ay Soomaaliya ka taageeraan arrimo badan oo kamid yihiin Siyaasadda iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.

Safiirka Britain u fadhida Soomaaliya  Harriet Mathews,  ayaa dhankeeda sheegtay in  markasta la garab istaagayaan Dawladda Soomaaliya taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, waxa ay u rajeysay dawladda Soomaaliya in ay ku guulaysan doonto qorshayaasheeda kala duwan.

 —-DHAMMAAD—-

 Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

E-mail: gaashaandhigga@gmail.com

Twitter: @MinisterDini

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online