Wasiirka Gaashaandhigga oo dhagax dhigay Warshad casri ah oo sameysa dharka Ciidanka.[Masawiro]

January 5, 2016 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta dhagax dhigay Warshad casri ah oo sameyn doonta labiska Ciidanka Qalabka sida, waxana sidoo kale  furitaanka Warshaddan goob-joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Warshaddan oo dhismaheeda ay gacan ka siinayso dawladda Soomaaliya dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga, waxa ay ciidamada ka haqab tiraysaa baahida labiska taasi oo keenaysa in laga maarmo labisyada kala duuwan oo haatan la isticmaalo marar badana cadowga ku fuliyo weeraro. Waxana Wasiirku uu sheegay in lixda bilood ee ugu horeysa sanadka cusub uu ku soo gaba-gaboobi doono mashruucan.

“Maanta waa maalin taariikhi ah waxaan dhagax dhignay warshaddii Ciidamadda u talo lahayd dharka, waxaan rajeynayaa in warshadani ay anfacdo dalka oo dhan. Warshaddan waxaa noogu deeqay dawladda Turkiga oo mahad uga celinayno” ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed  u heli lahaayeen dhammaan agabka ay u baahan yihiin si ay dalka guud ahaan u sugaan ammaankiisa. Iyadoo sanadka cusub ee 2016 uu noqon doono mid isbadal ballaaran lagu sameyn doono Ciidanka X.D.S.

no images were found

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online