Zaylaci Academy oo gaaray horumar la taaban karo Hambalyo (Daawo Xaflada Qalinjabinta )

January 18, 2016 - Written by Editor

ZeylacWaxaa Markii ay taariikhdu ahayd 27.12.2015 ka dhacday magaaladda Copenhagen ee xarunta dalka Danmark Xaflad lagu maamuusayey ardaydii dhamaysay Iskoolka Zaylaci Academy.Zaylaci academy waa academy loogu talagalay inay dhalinyarada qurbaha joogaa ku bartaan cilmiga sharciga ee diinta. Waxay leedahay duruus ka baxdo internetka nooc online ah, iyo duruus iyo iskool toos u baxa wakhtiyada fasaxyada layahay sanad iskoolaadka wadamada yurub.

Waxaa shalay ka Qalan Jabisay Zaylaci Academy iskoolka labada sano dufcadii ugu horaysay. Ardaydu laga bilaabo 23.12.2015 ilaa 27.12.2015 waxay u fadhiyeen imtaxaamo lagaga qaadayey maadooyinkii ay soo baranayeen ilaa 2013kii.
Ardaydu waxay imtaxaanka ku gashay maadooyin badan oo u kala qaybsama 8 fanni. Funuuntaas oo kala ah, Caqiidah, Xadiith, Fiqh, Qawaacid al fiqh, Usuul al fiqh, Naxwe, sarfi iyo Baxthi gooni ah oo arday kastaa lagu imtaxaamayey. (Maadooyinka ay Buxuuthta ka qoreen hoos ka fiiri).
Waxaa intay imtaxaamada iskoolka labada sano socdeen garab socday Dawro lagu daraasaynayey culuum kala duwan oo ay soo jeedinayeen Culimo kala duwan Sida Dr. Cali Saalax, Sheekh Casoowe iyo Dr. Cabdiwali. Waxaana ka soo qaybgalay dawrada Arday fara badan oo isugu jira gabdho iyo wiilalba..

no images were found

Allah mahadii ardaydoo dhan imtaxaamadoodii way ku baaseen, waxaana xaflad loogu qabtay Masjidka wayn ee Muslimiintu ku leedahay Copenhagen ee la dhaho Hamad Bin Khalifa Civilisation Center.

Hoos ka Daawo Xaflada Qalinjabinta ee Machadka Zaylaci academy

Halkan ka eeg Mareegta machadka Zaylaci Academy iskana diiwaan gali iyada lagu soo kordhin doono duruus kale

Maamulka Machadka Zaylaci academy
Denmark

Leave a comment

*

Archives
January 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online