Afhayeenka dawladda Puntland dib u eegista lagu sameeyay Dastuurka waa hagal-daacinta Nidaamka Federaalka.[Dhagayso]

February 22, 2016 - Written by Editor

Quraan-JecelGaalkacyo:-Afhayeenka dawladda Puntland C/laahi Maxamed Jaamac Qur’aanjecel oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljri ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Mow qifka dowladda Puntland ee ku aadan War-saxaafadeedkii shalay Puntland ku qaadacday Isbadelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Afhayeenka dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Qur’aan jecel ayaa sheegay in DFS ay muddo badan ku mashquulsanayd sidii ay hagal-daacin lahayd Nidaamka Federaalka, waxaana uu hadalkiisa raacsaday in isbadelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ay tahay qorshe aan waafaqsanayn sharciga, dano gaar ah-na laga leeyahay.

“Qodobado aad u badan ayaa la badalay, waana kuwo xaasaasi ah, illaa 10 Cutub oo ka tirsan Dastuurka ayaa meeshaba laga saaray, qaar-na la badalay, tani waa tillaabo guud ahaanba looga soo horjeedo Nidaamka Federaalka” Sidaasina waxaa yiri Afhayeen Quraan jecel.

Hoos ka dhagayso waraysi uu la yeeshay Wariye Jaamac Cabdiraxmaan Axmed

[audio: http://radiodaljir.com/resources2/files/Afhayeen%20Quraanjecel.MP3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online