Afhayeenka Nabadoonada Gobolka Bari Nabadoo Xarago ”Waa wax laga xumaado dhibka ka dhacay Boosaaso.[Dhagayso]

February 1, 2016 - Written by Editor

Nabadoon-XarragoBoosaaso:-Ugu yaraan hal qof ayaa lagu soo warramayaa inuu ku geeriyooday dhowr kalena ay ku dhaawacmeen bananbaxyo rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qofka dhintay ayaa ah askari tirsanaa Ciidanka Booliska ka dib markii sidda la sheegayo ay xabad ay soo rideen dibadbaxayaashu haleeshay taas oo sababtay in ciidanku ay rasaas xooggan ku jawaabaan iyagoona ku guulay stay in ay kala eryaan dhalinyarada banaanbax dhigaysay.

Ciidanka Booliska ee Gobolka Bari ayaa waxaa kale oo ka dhaawacmay ilaa 4 askari oo ka mid ahaa askarta ka hortagaysay banaanbaxa ay soo abaabuleen masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay Gobolka Bari. Issimada iyo Nabadoonada Gobolka Bari ayaa iska fogeeyey banaanbaxa saaka ka dhacay Boosaaso iyagoo ugu baaqay bulshada ku nool magaalada Boosaaso in ay ka shaqeeyaan in ay ka hortagaan wax kasata oo abuuri kara amaandaro cid walba oo wax tabanaysaay laga qanciyo tabashadeeda.

Dhinac kale Afhayeenka Nabadoonada Gobolka Bari Nabadoon Xarago oo waraysi siiyey Idaacadda Radio Daljir ayaa sheegay in maanta wixii ka dhacay Boosaaso aan loo baahnayn ayna muhiim tahay in la ilaaliyo nabad magaalada Boosaaso cid alle cidii wax tirsanaysan loo baahn yahay in la qanciyo

Hoos ka Dhagayso waraysiga uu Radio daljir siiyey Afhayeenka Nabadoonada Gobolka Bari Nabadoo Xarago

[audio: http://www.radiodaljir.com/resources2/files/Cod%20xarago.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online