Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhacdadii garoonka Jomo Kenyatta

February 22, 2016 - Written by Editor

CUMAR-HambalyoMuqdisho:-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xuntahay dhacdadii ka dhacday garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay Transit ku ahaayeen wafdi uu hogaaminayay Ra¨´iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ku wajahnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan shirka heerka sare ee wadatashiga Istanbul, (HLPF).

Inkasta oo wafdiga uu hogaaminayay Ra”iisul Wasaaraha, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ay heleen soo dhoweyn heer sare ah (VIP Reception), haddana waxaa caqabad iyo dib u dhac la kulmay xubnihii kale ee wafdiga oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, horay waxa ay u kala saxiixdeen heshiis is faham (MOU), kaasi oo dhigayay in xubnaha sare ee dowladda FS iyo xildhibaanada Baarlamaanka inay helaan ogolaansho dal ku gal waqti kasta (issuance of visas on arrival) mar kasta oo ay u safraan dalka Kenya, iyada oon dib u dhac laheyn, waxaase nasiib darro ah in dowladda Kenya ay jebisay heshiiskaasi.

Dowladda Federaalka Sooomaaliya, waxa ay ka sugeysaa hogaamiyeyaasha dowladda Kenya cudur daar rasmi ah iyo faah faahin la xiriirta dhacdadaasi iyo sababta keentay xanibaada wafdi heerkiisu sareeyo oo uu hogaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada. Gabagabadii, dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ka fekereysaa jawaabta ku haboon ee dhacdadaan.

Hoos ka eeg warsaxaafadeedka ay Dowladda Soomaaliya uga hadashay dhacdadii garoonka Jomo Kenyatta

—-DHAMMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online