Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo soo gaaray Garoowe

February 9, 2016 - Written by Editor

keyGaroowe:-Wafdi uu hogaaminayo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa hadda soo gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland. Wafdiga Beesha Caalamka ee uu hogaaminaya Micheal Keating waxaana socdaalkiisa ku weheliya Safiirada EU, IGAD,UK, Holland, Ethiopia, Italy , Safiirka Mareykanka iyo weliba Ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Wafdi uu hogaaminayo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keatng ayaa waxaa ay joogi doonaan magaalada Garoowe labo maalin waxaan ay la kulmi doonaa Guddi labada gole ee dowladda Puntland, Gudiga dhaqan Issimada, Gudiga Civil Society iyo Gudiga Siyaasiyiin ay kala hogaamin doonaan Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Faroole iyo wasiirkii hore ee waxbarshada dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame.

Kulamada dhexmari doona wafdiga Beesha Caalamka ayaa u jeedkiisu yahay in madaxada dowladda Puntland lagu qanciyo go,aamadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga ee lagu qabtay Muqdisho taas oo wararka aan helayno ay saadaalinayaan in aan wax natiijo ah ka soo bixi doonin.

Wafdiga soo gaaraya magaalada Garoowe qayb kama ah Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo socdaal uu ku imaan lahaa Boosaaso maalmo ka hor ay ka caga jiideen Madaxda Dowladda Puntland taasna ay sababtay in uu ka baaqsado safarkii uu ku imaan lahaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkugu soo gudbin doonaa Insha Allaahu.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online