Garnaqsi Waxaa Tiriyey Sh Maxbuub A/llahi Mohamad

February 25, 2016 - Written by Editor

IMG_20150917_162040_resizedMaansadan oo magaceedu yahay “ garawsi” waxa tiriyay Sh Maxbuub A/llahi Mohamad oo ah Imamka Masjidka daaru salaam ee magaalada Barnesville, waxayn falcalin u tahay maanso magaceedu ahaa “Gocasho” oo uu tiriyay Dr Khadar Jama oo iyaduna texraacaysay maano uu turiyay Dr A/Qabi Beder oo uu ku magacaabay “Giraan”
1: Maansadan guuraysa ee
2:Murtidu kugadaafantahay
3:ee abwaan kii gaamuriyo
4: diktoorkii soo gingimay
5: ee Guyaal wixii soo dhaciyo
6: Gorfaynaysa dhinacya badan
7: Bal aan galo xaajadeed

8: Dadkaa hor u guuray ee
9: Intay geed sare koreen
10: Guryaha ka samaystayee
11: Ku guuraya dayax gamceed
12: Gaal iyo muslim waa u marag

13: Badwaynta kuwaa galee
14: Gunteeda u dhaadhacee
15: Wixii macdan gaaxsanayd
16: Intay hawlyari gurteen
17: faqriga dabar goynayana
18: Garaad bay maalayaan

19: Dunidu inay geedi tahay
20: Gadaal wixii tagay u noqon
21: quruumihii guuray iyo
22: guyaasheenaa kordhiyo
23: duqayti gabawday iyo
24: Diyaarado guuxayiyo
25: guriga internet ka iyo
26: Geerida dhici baw maragah

27: Giraanta halkii banaan
28: Cid gooniya oo natidhi
29: Girkaasaad leedihiin
30: aday kuu galuubantee
31: ninyohow iska gaantif soco
32: Anigu gacallow ma ogi

33: Garaad kay wuxuu iyidhi
34: Aduunyadan guurtayee
35: caraabaha geediga ah
36: Ninkii geed seexday ee
37: Garaadkiisii dayacay
38: Giraantu ka buuxsan too
39: aduun wuu kalagalbaday

40: Hadaanse geel jire sidii
41: Intuu geel galab kalumay
42: Guntiga kor u jiitayoo
43: Geedaha ka dul boodayoo
44: Innaba gaabis aan kujirin
45: Guntiga u maroorsanoon
46: Garaad keen maalo oo
47: Gadaal socod diidna oo
48: Ilaahay garab sanoo
49: Talada wada goosanoo
50: Guyaal badan kii jirayna
51: Garaadkisa xoorinaa

52: Giraanta in aan heloon
53: Gadaafkeeda laacno oon
54: Karkaarada goosanaa
55: Malaha way suura gali

56: Haduu muslim gamasanaa
57: Guyaal badan uu hurdiyo
58: khilaaf kala gaabiyiyo
59: Ku gawriirsaday xanuun
60: Miyuu haatan galalaflayn

61: Anigoo gaban oo yaroo
62: Gu gayguna aad u badan
63: Garaad kayguna yaryahay
64: hadoon gadh madoobe ahay
65: Cirradu geesaha katimid

66: Ma arag muslim gaafayoo
67: Giraanta wareejiyoo
68: Garaad kooda maalayoo
69: Intay xaajada galeen
70: Gudoonsaday teeda wacan

71: Gugii todobaatankii
72: Culimadii gobolada xijaaz
73: Culuumta ka soo guree
74: Guryaha ula soo noqdee
75: Hadana gobolada u diray
76: waa kay geesiyaal noqdeen

77: Kitaabkaan gaboobiniyo
78: markay siiradii galeen
79: Waakii gabdho aad u badan
80: Xijaabkii wada gashaday
81: Rag doorihi gaabsadeen
82: Surwaal kii gabaxsanaa

83: Guyaashaa say ahayd
84: Markaan so garwaaqsadaba
85: Intaan goonyaha dayoon
86: Madaxa geesaha u ruxo
87: Yaan gamiin sii fooraraa

88: Wixii dacwadii gabree
89: Dadkeedii gabaweree
90: Sidii gabadh guun ahoo
91: Intay dhawr gaban dhasho
92: hadana sii gulaalantoo
93: Galofowday saban kadhigay
94: Miyaan dib u gaar daynaa?

95: Dhulkaa kala go ahayee
96: Garaadada iyo suldaan
97: Intuu gaal soo askumay
98: Ku wada gaylami qabiil
99: Galbeedku mid uu watana
100: Gorfaynaayo xaajadii
101: Gadii aan hore u idhi
102: Ayaa lagu goobayaa

103: Gabdhaheenaa silcee
104: ragoodii intay gabeen
105: Ku gabawareen meel cidlah
106: ee dunida guudkeeda iyo
107: qurbaha goolaafayee
108: Ilmadu gobo’ laynaysana
109: anagay garab nagasugaan

110: Sirqadan gaangaanbinee
111: Tilaabada gaabisee
112: Intay gabadh, wiil lahayd
113: Badwayn ku go’ doonsantahy
114: Iyana garab bay sugtaa,

W/tiriyey Sh Maxbuub A/llahi Mohamad

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online