Golaha Wasiirada oo meel mariyay Dib u howlgelinta Iskaashatooyinka Soomaaliyeed

February 18, 2016 - Written by Editor

sharMuqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan Warbixino looga Wasaaraddo kala duwan.

Ugu horeyn, golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday labo xubnood oo u sharaxnaa inay ka mid noqdaan guddiga talada ee Bankiga dhexe ee Soomaaliyeed (Board of the Bank), waxaana xubnahan soo gudbiyay Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo golaha Wasiiraduna ay ogolaadeen, kadib markii ay ku qanceen aqoonta, khibrada iyo shaqsiyadda labadan mas’uul, magacyada labadan xubnood ayaa kala ahaa C/rashiid Maxamed Siraaj iyo Yuusuf Maxamed Cali ah aqoonyahano dhanka maamulka iyo maaliyadda.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday Dib u howlgelinta ururka dhaq dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed (UDHIS), waxaana golaha Wasiiradu ay ka doodeen muhiimada ururkan iyo waxqabadkiisa arrimaha horumarinta iskaashatooyinka iyo wax soo saarka kheyraadka gudaha, waxayna ogolaadeen in dib loo howlgaliyo ururkaasi.

Gabagabadii, golaha Wasiirada ayaa tacsi u diray Shacabka dalka Turkiga iyo hogaankoodaba, waxayna uga tacsiyadeeyeen dhimashadii ka dhalay qaraxii ka dhacay Arbacadii magaalada Caasimadda ah ee Ankara, waxayna ku tilmaameen mid ka baxsan bani’aadanimada.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online