Guddoomiye Jawaari oo faahfaahiyey natiijada shirka madaxda Baarlamaanka carabta ee Qaahira[Masawiro]

February 25, 2016 - Written by Editor

DSC_0221Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa waxaa lagu soo gebagebeeyey gelinka dambe ee maanta shirka madaxda Baarlamaannada dowladaha carabta ayadoo shirkaasi gebagebadiisiina laga soo saaray war murtiyeed ay ku cad yihiin qodobbadii laga hadlay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh. Cusmaan “Jawaari” oo hogaaminayey wafdiga Soomaaliya uga qeybgalay shirka ayaa gebagebadiisa faah faahin ka bixiyey qodobbada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay waxaana uu xusay in natiijada shirka ay ka mid tahay wada shaqeyn joogto ah oo xaga shuruucda ay Baarlamaannadu ansixinayaan oo ay yeelan doonaan Baarlamaannada carabta, in si wadajir ah ay u howlgallaan Baarlamaannada carbeed ayaga oo wada ilaalinaya qadiyadaha carabta iyo in ay Baarlamaannada carabtu ka shaqeeyaan dhiira gelinta maalgelin lagu sameeyo dalalka carabta.

Dhanka Soomaaliya ayuu Guddoomiye Jawaari tilmaamay in Madaxda Baarlamaanka dowladaha carabta ay si wadajir ah u taageereen guullaha iyo hormarka uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku tallaabsaday gaar ahaanna dhinaca sharci dejinta oo ay si dhow ula socdaan shuruucdii ugu dambeysay ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sida sharciga maalgashiga shisheeye, iibka iyo qandaraasyada qaranka iyo sharciga ka hortagga lacag dhiqidda ka warqabka shaqadeenna waxey cadeyneysaa muhiimadda ay Soomaaliya siinayaan ayuu yiri Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in khudbaddii uu ka jeediyey shirka uu uga mahad celiyey dalalka carabta muhiimadda ay siinayaan xaaladda Soomaaliya iyo taageerrada ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uu ku dhiira geliyey kuna booriyey xiligan maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya taasi oo ay dalalka carabtu aad u daneynayaan maadaama uu dhowaan Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sharciga maalgashiga shisheeye.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online