Gudoomiye ku xigeenka gobalka Gedo Yuusuf Al-Qaadi oo qarax ku dhaawacmay

February 7, 2016 - Written by Editor

BaardheereGedo:-Wararka ka imaanaya Degmada  Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu ku dhaawacmay qarax guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sh Yuusuf Maxamed Al-Qaadi ka dib markii qarax loogu xiray gaarigiisa.

Gudoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Cadow Nuur Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in dhaawac guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sh Yuusuf Maxamed Al-Qaadi uu yahay mid sahlan waxaa kale oo qaraxa ku dhaawcmay qaar ka mid ah ilaalada gudoomiye ku xigeenka kuwaas oo haatan lagu dabiibayo Degmada Baardheere.

Gudoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Cadow Nuur Xasan ayaa sheegay in ay wadaan baaritoono ayna soo qabteen dhowr qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sh Yuusuf Maxamed Al-Qaadi ayaa waxaa uu ka mid yahay kooxda Suufiyada ee la baxday Ahlusuna ee Gedo wuxuuna mudo dheer dagaal adag kula jiray kooxda Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online