Issimada Puntland oo si adag u diiday 4.5 ka dib kulan ka dhacay xarunta PDRC.

February 8, 2016 - Written by Editor

isimo1Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in maanta Issimada Puntland ay kulan ku yeesheen magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta PDRC.

Kulanka ayaa waxaa ay isimada uga hadleen nidaamka 4.5 waxaana ay si adag u diideen go,aamadii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga ee lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo dhamaan go,aanadii ka soo baxay.

Issimada iyo Cuqaasha Puntland ayaa taageeray mowqfka madaxweynaha Puntland waxaana la filayaa in Issimada mowqifkooda u gudbiyaan wafdiga beesha caalamka ee birito ku soo wajahan magaalada Garoowe.

Magaalada Garowe ayaa maalmahaan waxaa ka socdey kulamo loogu diyaar-garoobayo booqasho madaxda beesha caalamka ee rabta in ay Puntland ku qanciso go,aamadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga ee lagu qabatay Xamar.

Xubnaha Beesha caalamka ayaa tageerey go’aana xukuumada madaxweyne Xasan Sh Maxamuud iyo R/W Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke taas oo ka careysiisay Madaxada maamulgobaleedka Puntland .

Ilaa haatan lama saadaalin karo kulanka dhexmari doona wafdiga beesha Caalamka iyo Puntland iyo wax ka soo bixi doona.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online