Jaamacada Najaax oo horumar ku talaabsatay Booqo Mareegta Jaamacada Najaax Ee Burco

February 3, 2016 - Written by Editor

ttBurco:-Jaamacadda Najaax waa Mu’asasad Cilmi ah, oo leh ujeedooyin Xeeldheer Waxaana Aasaasay Aqoonyahanno ku Takhasusay Culuumta Islaamka . Waa jaamacaddii ugu Horaysay ee Islaami ah ee Laga Furo Somaliland, Waxa Si Gaar ah Nasiib ugu Helay Gobolka Togdheer Gaar Ahaan Magaaladda Burco oo ah Xarunta Rasmiga ah ee Jaamacadda.

Haddaba iyada oo jaamacaddu Higsanayso in ay Risaaladeedda Gaadhsiiso Muslimiinta ku dhaqan Geeska Afrika Guud ahaan, waxaa is Waydiin leh in Wax Laga Tilmaamo Baahida Keentay in Waqtigan La Aasaaso,Iyada oo La ogyahay in Jaamacaddo Farabadani ay ka Jiraan dalka,Su’aashaa jawaabteeduna waatan.
BAAHIDA KEENTAY JAAMACADDA NAJAAX
1-Markii La Arkay Inaanay Dalka ka Jirin Jaamacad u Gaar ah Culuumta Islaamka • Korodhka Macaahidda islaamiga ah iyo Baahida Loo Qabo in Ardaydu ay Tacliin Sare Helaan Marka ay ka Baxaan
2-In Laga Faa,iideeyo Khubaradda Aqoonta dheer u Leh Shareecadda Islaamka ee ka Soo Baxaya Jaamacaddaha Dunida

3-Markii Ay Muuqatay Luqaddii Carabiga oo Gabaabsi ku siijirta Bulshaduna ay ka sii Fogaanayso Barashadeedda Sababahan iyo kuwo kale oo Badan ayaa Keenay Fikirka Aasaasidda Jaamacadda Al-Najaax.

ARAGTIDA JAAMACADDA NAJAAX
Jaamacadda Najaax Waxa ay Higsanaysaa inay Noqoto Jaamacadda ugu Wanaagsan Geeska Afrika ee Lagu Barto Culuumta Islaamka ,Iyada oo ku Dadaalaysa inay Soo Saarto Arday Tayo Leh oo Aqoonta kula Tartamikarta Ardayda Wax ka Baratay Jaamacaddaha Waawayn ee Caalamka Islaamka.
KULLIYADAHA JAAMACADDA
Jaamacaddu Marxaladda Hore ee Bilawga ah Waxa ay ku Furantay Kuliyadahan Hoos Ku Qoran Iyada oo La Balaadhin Doono Mustaqbalka Dhow
1-Kuliyadda Shareecada
2-Kuliyadda Luqadda Carabiga
UJEEDOOYINKA JAAMACADDA
1. Bixinta Tacliin Sare oo Tayo leh
2. Diyaarinta iyo Soo Saarista Culimo iyo Aqoonyahano Xul ah
3. Soo Noo Laynta Luqadda Carabiga
4. Fidinta Fahamka Saxda ah ee Islaamku Leeyahay iyo ka Hortagga Afkaarta khaldan 5. Xoojinta Cilmibaadhista ku Salaysan Horumarinta Bulshada
6. Xoojinta Xidhiidhka Jaamacaddaha Caalamka iyo Keenista Khubaro Aqoonsare leh.

CILIMI BAADHISTA & XIDHIIHDKA BULSHADA
Jaamacadda Najaax waxay Xidhiidh Wanaagsan La Leedahay:
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
Komishanka Tacliinta Sare ee S/land Jaamacaddaha Dalka
Macaahidda Sharciga ah Sidoo Kale Waxaa ka Mid ah Higsigeeda in ay Xidhiidho Iskaashi iyo Wadashaqayneed La Samaysato Jaamacadaha ugu Caansan Caalamka Islaamka ee ay ka Mid Yihiin:
1-Jaamacadda Islaamiga ah ee Al-Madiina
2-Jaamacadda Ummulquraa
3-Jaamacadda Al-qasiim
4-Jaamacadaha Suudaan iyo kuwo kale
GOLAYAASHA JAAMACADDA
Jaamacadda Najaax waxa ay Leedahay Dastuur iyo Nidaam Maamul oo ay ku Shaqayso ,Kaas oo Ka Kooban :
1- Golaha Guud
2-Golaha Maamulka
4- Golaha Fulinta

no images were found

NAJAAX MAXAY KAGA DUWANTAY JAAMACADAHA JIRA
Jaamacadda Najaax waxaa u calaamadsan oo ay kaga duwanaanaysaa Jaamacadaha jira qodobadan Hoos ku qoran:
1) Macalimiin Heerka Aqoontoodu Tahay ( PHD & Master )
2) Manhaj Cilmiyaysan oo Waafaqsan Manaahijta Jaamacadaha Waawayn ee Caalamka Islaamka
3) Shahaado Aqoonsi Caalami ah leh
4) Xidhiidho ay la Leedahay Jaamacadu, Jaamacaddaha ugu Caansan Caalam al Islaami.

Mareegta Rasmiga ah Ee Jamaacada Najaax Halkan ka Eeg Luqadaha Carabi iyo Soomaali

Halgan.net
Burco

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online