Khasaaraha weerarkii xalay lagu qaaday Hotelka SYL oo sii kordhay .

February 27, 2016 - Written by Editor

sylWararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay sii korortay khasaarihii ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu qaaday Hotel SYL In ka badan 15 qof  ayaa ku dhintay  qaraxyo xalay fiidkii ka dhacay agagaarka hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Dadgoobjoogayaal ah oo ku suganaa Hotel SYL ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa hore uu  ahaa baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo lagu qarxiyay  agagaarka taalada SYL waxaana khasaaraha badan u gaaray dad rayid ah kuwaas oo u badnaa  haween qaad ku iibiya .

Qaraxa kale ayaa ahaa gaari la dhigay agagaarka Beerta Nabada gaar ahaan meel u dhow Hotel Muno , waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac .Beerta Nabadda ayaa ah  goob loo dalxiis tago oo maalmaha jimcaha ay waxaana dhoobnaa dad rayid ah oo qaarkood watay caruurtooda

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee dowlada federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa eedeyn kulul u soo jeediyey kooxda Al-Shabaab oo dhaqan ka dhigtay leynta shacabka Soomaaliyeed ee Muslinka ah wuxuuna amaanay ciidanka amaanka ee DFS kuwaas oo ka hortay dilayna kooox rabtay in ay gasho Hotelka SYL.

Dhanka kale  wasiirka amniga dowlada federalka Somalia C/risaaq Cumar Maxamed oo Saxaafadda kula hadlay saaka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay Qaraxa lagu weeraray Hotel SYL uu ahaa mid xooggan tankiisana u ahaa 200KG.wuxuuna intaas raaciyey in ay qaraxa ku dhinteen Afar Askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya .

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhimashada ay haatan mareyso 15 qof waxaana dhaawaca uu kor u dhaafay ilaa 30 qof.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online