Kulan weynihii Teeramka ee Golaha Al-furqaan oo ka dhacay Laascaanood.[Masawiro]

February 7, 2016 - Written by Editor

12646989_1741322266088888_6460332377402249403_nLaascaanood:-Kulan Weyne Teeram leh oo sanad walba loo qabto Golaha Al-furqaan ee Ardayda ka baxday Machadka Al-furqan Lascaanod ayaa habeenimadii xalay lagu qabtay xarunta Machadka Al-furqan ee magaalada Laascaanood. Kulanka oo u jeedadiisu ahayd in lagu soo bandhigo waxqabadkii Golaha Al-furqan ee muddada Teeramka ah waxaa ka soo qayb galay xubno badan oo ka tirsanaa saddexda Gole ee uu ka kooban yahay, qaar ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada,iyo Maamulka Mu’asasada Alkaram ee Gobolka Sool.

Kulan ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsanayd waxbadka Golaha ee dhinacyada dacwada, waxbarashada, arrimaha bulshada warbaahinta iyo isku xidhka Xubnaha Golaha. Culimadii iyo masuuliyiintii ka soo qayb galay kulanka ayaa dhammaantood ku booriyey Xubanaha Golaha inay xoojiyaan midnimada, kana fogaadaan khilaafka iyo kala taga,isla markaana dareemsanaadaan xilka ka saaran dadkooda iyo dalkooda oo duulaan xoogani ku socdo.

Kulanka oo Guud ahaan ahaa mid si habsami leh u dhacay ayaa waxa lagu soo gabagabeeyey tixo gabayo ah oo ay soo jeediyeen xubno ka mid ah golaha, iyo waliba tartan su’aalo ah iyo Abaal marino.

Ahmed said
Lascanod,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online