Kusimaha Madaxweyaha Dawladda Puntland oo Maanta dhaga dhigay dhismayaal waxtar u leh Bulshada

February 23, 2016 - Written by Editor

IMG_1054Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 23-Feb-2016 dhagax dhigay buundo u dhexaysa deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe oo ka tirsan Gobolka Sool.

Munaasabadda dhagax dhigga buundada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Hay’adda Waddooyinka Puntland ee Nesha, saraakiil ka socota Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo Dadweynaha Deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe.

Buundadan uu dhagax dhigay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa waxaa  bar-bar  socdey Dayactir lagu samaynayo labo meelood oo  kamid ah  waddada laamiga ah oo mid kamid ahi ay gaareyso 660mitir halka midda kale ay gaareyso 180mitir  gaar ahaan inta u dhexaysa Fallaydhyaale iyo God-qaboobe oo uu soo gaadhey burbur aad u daran, kaas  oo gaarey in waddadii laamiga ahayd ay kasoo hadho hal seed ama hal haad oo keliya, isla markaaana sababay shilal kala duwan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa sheegay in dhismaha buundadaasi iyo dayactirka lagu samaynayo wadda laamiga ah  uu kamid yahay ballanqaadkii Dawladda ee ahaa Dhismaha kaabayaasha dhaqaaha Puntland.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka ayaa sidoo kale kula dardaarmay shirkadda qandaraaska qaadatay oo ah shirkad waddani ah in ay masuuliyad dheeraad ah iska saarto isla markaasina dedaal dheeraad ah ku bixiso sidii ay buundadaasi u noqon lahayd buundo wax ku-ool ah oo waqti dheer sii shaqaysa, wuxuu sidoo kale kula dardaarmay dadka deggan deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe inay soo dhoweyaan lana shaqeeyaan shirkadda dhisaysa buundada.

“Waxaan rajeynayaa Waddo wax ku-ool ahi in ay meesha ka soo baxdo, waxaan sidoo kale rajeynayaa in shirakaddu ay kasoo bixi doonto mas’uuliyadda ay qaaday, dawladduna si dhab ah ayay u kor joogteyn doontaa”

“Waxaann sidoo kale kula dar-daarmaya shacabka reer Puntland ee ku dhaqan deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe in aad la shaqaysanaa shirkadda dhisaysa buundada oo aad qaybtiina kaqaadataan shaqada” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online